Tuesday, 10 October 2023

ERAYO JACAYL

 ERAYO JACAYL 




haka raadin jacayl qalbiyada 


Qalbiyada gaajaysan hadii ay dhargan 


Way ku tuuri donaan 


Lakiin ka raadi quluubta daacada ah 


Way ilaalin donaan ❤️🫂

Sunday, 1 October 2023

Qiso yaroo cajiiba.... Qaybta koowaad.



Waligay marbaan xidhiidh sameeyay, wuxuu na dhex maray gabadh aanu isku dugsi ahayn, kala fasal baanu ahayn balse maalin walba waanu is arki jirnay ka hor inta aanaanu xidhiidhka bilaabin dushaanu iska eegan jirnay maalinta aanan aragna cidhiidhi baan dareemi jiray. Awood umaan lahayn aan ugu tago oon kula hadlo uguna sheego waxa qalbigayga ku jira, markasta oo ay niyadayda kusoo dhacdo inaan utagana daqiiqadaha u dambeeya ayay fulaynimadaydu iga adkaan jirtay.
waxay sidaa ahaataba maalin maalmaha kamid ah waxa noo furmay hadalkii iyadaana bilowday kadib markay I waydiisay inay lambar ka wacato mobile kayga Anna xitaa kamaan fikirin inaan udhiibo ee waxaan arkay anigoo ku leh "hoo ku hadal intaad doontid"...woxoogaa way yara dhoola cadaysay waxaan hubaa laftarkaagu inaad qosli lahayd sababtoo ah markaliya waxa is badalay qaabkaygii gamcuhu xoogaa gariir ah bay bilaabeen indhuhuna libiqsi dag dag ah bay samaynayeen, sidoo kale hadalkaygii baa isku dhex darsamay. 
Lambarkii ay doonaysay bay wacatay cabaar bayna ku hadashay, markay dhanaysatay bay itidhi intay dhoola cadaysay "qof kale ayaan yara wacdee ii ogolow", Anna "haye haye waa caadi" baan ugu jawaabay... lambarkii dambe wakhti badan lamay hadlin waayo lagama qabanba kadib mobile kii bay ii dhiibtay waxayna igu tidhi"hoo waad mahadsantahee, laygama qaban bee" waxaan ugu jawaabay Anna "hadaad ubaahan tahay waad ku celin kartaa" "may walaal waad mahadsantahay" ayay iigu jawaabtay wayna iska dhaqaaqday.
Waan iska kala tagnay intii horoo dhan iyadaan ka fikirayay iyo qofka ay wacatay cida uu ahaa, waxaanan kasii baaraa dagayay waxaan ugu jawaabi lahaa hadii uu igu soo celiyo qofkaas ka qaban waayay markay wacday, balse sidaan filayay may dhicin cidina imay soo wicin Anna iskumaban sii hawlin intii dambe.
Habeenkii cabaaro 8:30 markay tahay buu mobile kaygii ciyay, waxaan eegay cida soo wacaysa mise waa lambarkii ay maanta iga wacatay. 
Woxoogaa baan ka fikiray inaan ka qabto iyo in kale ugu dambayna waan qabtay, "Hello" ......

ERAYO JACAYL

 ERAYO JACAYL  haka raadin jacayl qalbiyada  Qalbiyada gaajaysan hadii ay dhargan  Way ku tuuri donaan  Lakiin ka raadi quluubta daacada ah ...